2181 Views

Cabsi laga qabo inuu qarxo daagaal toos Ah oo u dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iil

Cabsi laga qabo inuu   qarxo daagaal toos Ah  oo u dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iil
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Duqeymihii dhimashada sababay ee u dhaxeyay ururka Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza iyo militariga Israa’iil ayaa si weyn kor ugu kacday, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka cabsi qabaan inuu dhaco “dagaal buuxa”. oo u dhaxeeya labada dhinac.

Israa’iil ayaa sheegeysa in inkabadan 1,000 gantaal uu riday ururka Xamaas, halka Israa’iil-na ay Gaza ku qaadday weerarro dhanka cirka.

Ciidanka ayaa sheegay inay filayeen in dilalkaasi ay ka dhalan doonaan in Israa’iil lagu soo qaado weeraro loo adeegsado gantaallo.

Wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in Israa’iil aysan marnaba aqbali doonin cambaaraynta lagala dul-dhacayo, marka ay difaacayaan xaqa iyo waajibaadka muwaadiniinta Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in afartan iyo saddex qof oo ay ku jiraan saddex iyo toban carruur ah la dilay, ku dhowaad saddex-boqolna la dhaawacay tan iyo Isniintii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post