849 Views

Waa Tallo ku socoto Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud.

Waa Tallo ku socoto Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | May 26, 2022 | by Cumar Cadde –

Waxaan Halkan ku soo Gudbinaa Dardaaran iyo Taloyin wax ku ool ah oo aan u Diraayo Madaxwayne Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Saaxiibadiisa la karinaayo Dhariga Dowlada Somaaliyeed ee ku Dhisan 4.5!.

Sida lawada Ogyahay, Madax Wayne Xasan Sheekh Maxamud wuxuu soo ahaa MadaxWayne 4 Sano iyo Billoyin, 5 Sano wuxuu Dusha ka ilaalinayey Dowladii Madaxweynihii uu xilka hada kala wareegay ee Maxamed Cabdullahi FARMAJO.

Hadana waxaa Alla u Qoray inuu mar labaad la wareego talada dalka Madaxweaynena ka noqdo mar 2aad, iyadoo Baahi wayn loo qabo isbedel cusub oo war ka bedelada sida maamulka hadda jira wax u wadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin Aqoon iyo Waya Aragnimo kufilan u leh hab maamulka iyo dowlad wanaaga waa hadii uu san is YEELl YEELI Doonin ama aysan la KARIN DHERIGA Dowladnimo Saaxiibadiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin og MEESHA laga Keenay Dowlanimada SOMAALIYA iyo Meesha loo Rabo inay GAARTO!.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin og SHARCIGA iyo Xdastuurka ku meelgaarka ah ay ku Dhisan Tahay Dowlada Somaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin Og Xaladaha ka jira DALKA guud ahaan oo ay ugu Horeeyaan.


– Damaca Qabiilada iyo Sadbursiga ay Rabaan Qaarkood.

– AMNI Xumada Baahsan.

– CADAALAD Xumada Baahsan.

– Musuq Maasuqa Baahsan.

– Dhaqaale Xumada Baahsan.

– BOOBKA HANTIDA Dawaynaha.

– SHAQA la’aanta Baahsan. 

– Wax Soo Saar la’aanta KHAYRAADKA Dalka.

– Caafimaad Darada iyo Taya Xumada Waxbarshada Baahsan

iyo Wax Yaabo badan oo Muhiim ah.

Hadaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Asagoo og in ay JIRAAN dhamaan Dhibatoyinka aan kor ku soo XUSAY Ma noqon Donaa nin si TAXADIR ah wax uga Qabto Arimahaas, Mase wuxuu noqon donaa Nin si Magac uyaala u sii Joogo Madaxtoyada SOMAALIYA!.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma noqon doonaa Nin Sameeya DHIIG JOOJINTA ay u Baahantahay Umada Somaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma noqon doonaa Nin DHAYA Boogaha Buka ee kuyaal Dadka iyo Dalka Somaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma noqon doonaa Nin ugu Cadaalad Fala umada SOMAALIYEED Xeer jajabka u QORAN ee 4.5!.

Sida Asagaba uu ku SHEEGAY waraysiyo badan uu Bixiyey SHACABKA inuu u BAHANYAHAY Cadaalad iyo Wax Qabad Dhab ah,

Madaxweyne Xasan Sheekh ma noqon doonaa Nin ka DHEER Xisbi iyo Nin Jeclaysi marka uu *Qaybinayo Qondada Qabiilada?* 

Madaxweyne Xasan Sheekh ma kusoo Xuli Donaa Aqoon iyo Waaya Aragnimo Howl Wadeenada Dowlada?

Hadaba, Somaalidu waxay Tiraahdaa “Abaal waa Nin Galla iyo Nin Garanwaya sida loo Gudo”

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga sugaa inuu Noqdo nin Daboola BAAHIYAHA umada SOMAALIYEED guud ahaan, sida umada uga Baxdo Noloshan HUBANTI LA’AANTA ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga sugaa inuusan ku Mashquulin QANCINTA Saaxiibada ku Hareeraysan Ee la Karinaayo DHERIGA Dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga sugaa inuu Noqdo nin Muujiya Wax Qabad DHAB ah iyo DADAAL ay ku Qanacdo umada.Horaa looyiri “Meel kamuuqo ama ka maqnow”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Ha Ogaado in si gaara loola socon doono Wax Qabadkiisa lana Sheegi Doono WANAAG IYO DHALIIL Midii uu Mutaysto.


W/Q: Cumar Maxamed Farax ‘Cumar Cadde

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

——————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post