1365 Views

Al-Shabaab Oo Sheegtay Dilka Madaxii Shirkadda DP World Ee Dekadda Boosaaso

Al-Shabaab Oo Sheegtay Dilka Madaxii Shirkadda DP World Ee Dekadda Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 04 February 2019 –Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilkii Madaxii  Hawlgalladda Shirkadda P & Ports ee Imaaraadka ka waday Ismaamulka Puntland, Paul Anthony Formosa, kaasi oo saakayto lagu dilay magaalladda Bosaaso.

“Annaga ayaa ka dambeynay Hawlgalkaasi, waana u dignay isaga, laakiin dhegaha ayuu ka fureystay, isagoo si sharci-darro ah ku joogay Somalia” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abu Muscab.

Shirkadda P & O Ports ee uu fadhigeeda dhexe ku yaalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kama aysan jawaabin, mar ay Wakaalladda REUTERS la xiriirtay, si ay uga jawaab celiyaan dilkaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays oo la hadlay REUTERS ayaa sheegay in Madixii Hawlgalladda ee Shirkadda P & Ports u joogay Puntland, Paul Anthony Formosa saakayto lagu dilay Suuqa Kalluunka ee Bosaaso, xilli uu ku sii jeeday Dekedda Bosaaso oo ay Shirkadaasi gacanta ku hayso.

Waxa uu intaasi ku daray in Paul Anthony Formosa loola cararay Isbitaalka, balse uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays waxa uu REUTERS u sheegay inay Ciiddanka Ammaanka dileen mid ka mid ah raggii dilkaasi geystay, halka ay mid kalena gacanta ku dhigeen, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment