3150 Views

Soomaliland Oo Sheegtay In Imaaraadka Ay Weeraro Ka Qaadi Karaan Saldhiga Cusub Ee Berbera

Soomaliland Oo Sheegtay In Imaaraadka Ay Weeraro Ka Qaadi Karaan Saldhiga Cusub Ee Berbera
____________________________________________________________________________

Haragayso  | QOL | May 27, 2017——Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa shalay oo Jimco aheyd sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta, ay sida ugu dhaqsiyada badan ay diyaaradaheeda military-gga ay isticmaali doonaa saldhigooda cusub ee magaalladda Berbera ee dhulka Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Imaaradka saldhiga Berbera ay u isticmaali karaa ujeeddo kasta, sida “tababarka, ilaalo iyo hawlgallada mileteri-gga”.

Magaalladda Berbera waxaa 250KM dhanka koonfur ay kagaga beegan tahay dalka Yemen, halkaas oo ay Isbaheysiga Sacuudiga oo ay Imaraadaadka kamid tahay ay kula dagaalamayaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Saldhiga military ee Berbera ayaa waxaa wali ku socda dhismo, balse Maraakiibta dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa saldhiga hareerihiisa ka wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Maamulka Soomaaliland ayaa faragalin toos ah ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah saldhiga military ee Imaaraadku qorsheynayo in uu ka sameysto Berbera oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Xusseen Cige ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay mooshinka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in marnaba Soomaaliland aqbali doonin in dowladda Soomaaliya wax saameyn ay ku yeelato heshiiska labada dhinac Soomaaliland iyo Imaaraadka ee la xiriira saldhiga military ee Berbera.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Haragayso

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment