1353 Views

Indonesia oo soo dhaweysay codka Somaliya ay dib ula soo laabatay ee ILO

Indonesia oo soo dhaweysay codka Somaliya ay dib ula soo laabatay ee ILO
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Dowladda Indonesia ayaa soo dhaweysay go’aanka Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee Soomaaliya u oggolaaday in ay dib ula soo laabo codkii ay ku lahayd Ururka.

Madaxa Ururweynaha Shaqaalaha Dalka Indonesia Sugeng Priyanto, ayaa sheegay in dowladdiisa ay aad ugu faraxsan tahay in Soomaaliya ku soo laabato fagaaraha urur weynaha shaqaalaha Adduunka iyada oo codkeeda ku ridi karta halkii ay danteeda ka aragto.

Indonesia ay sidoo kale sheegtay in ay soo dhaweyneyso Dalka Sierra Loane, oo isna codkiisa la soo laabtay.

Sierra Loane, ayaa codkii ay ku lahayd ILO lumisay sanadkii 1997dii markaas oo ay gashay dagaal sokeeye kuna fashilantay in ay iska bixiso qaaraanka sanadlaha ah ee Ururka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa lumisay codkeeda Ururweynaha Shaqaalaha Adduunka ee ILO sanadkii 1988dii markaas oo ay Soomaaliya gashay dagaallo sokeeye iskana bixin weysay qaaraan samadeedka Ururka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment