1020 Views

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay Banbax-howleed (Retreat) wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

 

Banabax-howleedkan wadajirka ah ee maanta furmay ayaa waxaa ugu horeyn ujeeddadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr, waxuuna sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo.

 

Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan.

 

Dhanka kale Senator Cabdiqaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa.

 

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo Banbax-howleedka furay ayaa yiri “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka; kulankan inoo furmay waxa aan uga doodeynaa sidii arrimaha ayaaha dambe ee dadka Soomaaliyeed raad ku yeelan doona ee dastuurka ku jira loo dhameystiri lahaa”.

 

Ugu dambayn, banbax-howleedkan ayaa muddo seddex maalin ah socon doona waxaana looga doodi doonaa qorsho howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment