1107 Views

Garsoore Maraykan ah oo diiday in uu ka laabta Xukun uu riday Muwaadin Soomaaliyeed.

Garsoore Maraykan ah oo diiday in uu ka laabta Xukun uu riday Muwaadin Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Garsoore ka tirsan Maxkmaadda Federaalka Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa diiday in uu ka laabto xukun xabsi daa’in ahaa oo uu 2016kii ku riday Muwaaddin Soomaali ah.

Maxamed Cabdi Jaamac ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa koox Burcad Badeed ah oo weerartay Markab uu leeyahay Mareykanka sanadkii 2010kii.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Virginia oo lagu magacaabo Norfolk ayaa diiday in uu ka laabto xukunka xabsi daa’inka ah ee uu ku riday Maxamed.

Jimcihii la soo dhaafay ayuu soo saaray amar ah in uusan ka laabaneyn xukunkaas kaddib markii Maxamed uu ku dooday in Qareenka matalaya uusan ahayn mid u shaqeynayay sidii loo baahnaa.

Maxkamed ayaa iska diiday in uu ogolaado xabsi 25 ilaa, 30 Sano ah iyada oo uu sheegay in qareenkiisu uu sidaas kula taliyay taasina ay muujineyso in qareenka uusan daacad ka ahayn matalaadda Maxamed.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku jira Xabsiyada wadamo badan oo Caalamka ah ku was oo loo haysto Falal xariiro Weeraro iyo Burcad badeednimo.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowr mar oo hore ku guulaysatay in ay siidayso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa Wadamado ay ka midyihiin Itoobiya, Seychelles iyo Hindiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment