975 Views

Sheekh Shariif oo Fashil ku eedeeyay Madaxda tallada heysa

Sheekh Shariif oo Fashil ku eedeeyay Madaxda tallada heysa
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada London ee UK ayaa sheegay in maanta dalka uu baahan yahay isbadel maamul, islamarkaana laga doonaayo dadka Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay joogto meel aad halis ah una baahan hoggaan ka duwan Midka hadda jira oo leh Karti horumarineed.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in haddii uu dhici waayo isbadel in Mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro Xaalad mugdi ah.

 

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed Midnimo iyo wadajir ah, maadaama uu sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa ah Hoggaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka, waxaana khilaaf uu kala dhaxeeyay hoggaanka dalka Bilooyinkii ugu dambeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment