672 Views

Kenya oo gacanta ku dhigtay Soomaali ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka dooriya

Kenya oo gacanta ku dhigtay Soomaali ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 05, 2021–Waaxda  Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ee  loo soo gabiyo (DCI-da) ayaa qoraal ay  saartay ku sheegtay inay la Makamadeyn doono rag la qabtay , iyaga oo ganacsanayay waxyaabaha Manka dooriya.

Sida lagu qoray Barta Twitter-ka Waaxda  Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ragga oo laba ah ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay adeegsanayeen baabuur siday nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka oo marayay degmada Hadaado ee ismaamulka Wajeer.

Warbaahinta oo soo xiganeysay Saraakiil ka tirsan Waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa sheegtay in daroogada ay ciidamadu qabteen ay dhan tahay 93 xirmo oo xashiish ah.

Ragga  lagu qabtay inay ka Ganacsanayeen maandooriyaha Xashiishka ayaa Waaxda  Hay’adda dambi baarista dalka Kenya waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegtay Maxamad Coloow oo ah darawalka baabuurka iyo Ibraahim Burji .

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen Gaariga  oo loo sheegay inuu siday shamiito balse daroogo gudbinayay, waxaana baaritaan dheer ka dib ayay ciidamadu ogadeen in daroogada uu gaariga siday ay tahay 465 kiilo garaam.

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa dhwr jeer oo hore waxaa ay gacanta ku dhigeen rag isugu jiray Soomaali iyo Kenyan ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo la Maxkamadeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post