966 Views

Gantaalkii weynaa ee Shiinaha ka baxsaday oo la filayaa inuu dhammaadka isbuucan ku soo dhaco dhulka

Gantaalkii weynaa ee Shiinaha  ka baxsaday  oo  la filayaa inuu dhammaadka isbuucan ku soo dhaco dhulka
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Gantaalkii weynaa ee Shiinaha ee faraha ka baxay ayaa la filayaa inuu dhammaadka isbuucan ku soo dhaco dhulka, wuxuuna toddobaadkan sababay cabsi wayn.

Hay’adda Cirbixiyennada Mareykanka ayaa isku deyeysa in ay ka hortagto halista uu geysan karo, balse lama oga halka uu ku wajahan yahay.

Sida ay qortay wakaaladda warar ee Reuters, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, wuxuu sheegay in aysan jirin qorsheyaal ah in hawada sare lagu burburiyo gantaalka Shiinaha ee la filayo in Sabtida uu dunida ku soo dhaco.

Gantaalka oo qalab u siday Seddax Cirbixiyee oo Shiinaha u dhashay kuwaas oo sugan hawada sare, wuxuu 29-kii April ka kacay Jasiiradda Hainan. Qalabka uu sido waxaa lagu dhammeystiri lahaa Saldhigga Shiinaha ee hawada sare.

Austin wuxuu sheegay in ay filayaan in gantalka uu ku dhici doono badda, Sabtida ama Axadda. Balse Wargeyska Global Times, oo ku hadla afka dowladda Shiinaha, wuxuu sheegay in “gantaalka la xakameyn waayay”, wuxuuna beeniyay in uu dhibaato geysan karo. “Taa waa dacaaydda reer Galbeedka”, ayaa ku xusan wargeyska.

Gantaalada hawada sare ku burbura, dhawr jeer oo hore, ee dhulka ku soo dhacay, waxaa ka mid ah mid sannadkii la soo dhaafay burburay.

Hase yeeshee, dhacdadaan waxay sababtay su’aalo cusub oo ku saabsan gantaalkan ay dunida aadka u hadal hayso. Wax ka ogow arrimaha la xiriira gantaalkaas.

Gantaalka dheereeya ee Shiinaha ee 5B ayaa la filayaa in hawada dhulka uu soo gaaro qiyaastii 8 May, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca, Mike Howard, kaasi oo sheegay in Maamulka Hawada Sare ee Mareykanka ay daba sodaan gantaalka habaabay.

“Lama xaqiijin karo meesha uu dhulka kaga dhici doonta, ilaa laga gaaro saacadaha ugu dambeeya, sabatoo ah xawaaraha uu ku socdo gantaalka ayaa aad u sarreeya,” ayuu yiri Haward, balse waxaa la soo saari doonaa macluumaad maalinle ah oo la xiriirta halka uu soo marayo gantaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post