795 Views

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal kula wareegay degaano dhowr ah

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal kula wareegay degaano dhowr ah
____________________________________________________________________________

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad Qeybta  60-aad ayaa Maanta Howlgallo qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Deegaano hoostaga Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgallada waxaa ay ka sameeyeen degaannada gomori, aboore, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur.

Howlgallada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxaana Ciidamada ay la wareegeen degaannada ay howlgalka ka sameeyeen oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Guutada 9-aad Qeybta  60-aad  & mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa waxaa ay la hadleen qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degaannada howlgallada laga fuliyay, iyaga oo ka codsaday inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan.
Dhowr jeer oo hore ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Xudur, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalladaan ay uga jawaabayeen weerarda Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post