1014 Views

Air Force One Sagaal sir oo ku saabsan diyaaradda madaxweynaha Mareykanka n

Air Force One  Sagaal sir oo ku saabsan diyaaradda madaxweynaha Mareykanka n
____________________________________________________________________________

Axad: july 25 2021

Sida uu yahay qorshaha dowladda Mareykanka marka la gaaro sanadka 2024 waxaa lagu wadaa in lasoo saaro diyaarad cusub oo nooca Airforce One ah oo qaada madaxweyne Joe Biden.

Diyaaradda hadda uu raaca waa nooca Boeing 747 oo lamid ah midda lasoo saari doono inkasta midda cusub ay ka weynaan doonto dhanka dheererka iyo ballaca diyaaradihii hore ee madaxweyneyaasha Mareykanka.

Hadda su’aasha waxay tahay maxaa looga cabsadaa diyaaradda Airforce One?

1. Waxay u adkeysan kartaa qaraxa ka dhasha hubka Nukliyeerka

Diyaaradda waxaa loo sameeyay sida diyaaradaha dagaalka ee militeriga, waxay awood u leedahay inay iska caabiso dhibaatada ka dhalan karta qaraxa ka dhasha Nukliyeerka, haddii diyaaradda lagu weeraro bambaano wax dhibaato ah masoo gaarayo madaxweynaha Mareykanka.

Diyaaradda gudaheeda ayaa laga hagi karaa istaraatiijiyadda iyo qaababka dagaalka maadama diyaaradda uusan waxbo u dhimeyn qaraxa.

Daaqadda diyaaradda waxaa ku wareegsan xarggo ka hortaggaya saameynta ka dhalata shucaaca, biriqda, kuleylka iyo dabka.

2. Diyaaradda iyada oo hawada mareyso ayaa shidaal lagu shubi karaa

Waa teknooloojiyad casri ah oo ay leedahay diyaaradda Airforce One gaar ahaan haddii shidaalka ka dhammaado iyada oo mareysa hawada sare in lagu shubi karo shidaal.

Waxaa sharddi ah in marka diyaaradda lagu shubayo shidaalka, waa in la helaa diyaarad kale iyo booyad shidaal.

Waxaa arrintan loogu magac daray howlgalka ‘Boom’ , shidaalka lagu shubayo diyaaradda waxaa si taxaddar leh ula soconaya duuliyaha.

3. Waxay leedahay jaraanjar iyo qalab kale oo lagu qaado alaabta gudaheeda

Diyaaradda qaadda madaxweynaha Mareykanka, waxaa gudaheeda lagu sameeyay adeeg kasta oo fududeynayo howsha.

Waxay leedahay jaraanjar u gaar ah, diyaaradda uma baahna jaraanjarada la hordhigo diyaaradaha marka ay ka caga dhigayaan garoomada.

Sidoo kale diyaaradda waxaa gudaheeda ku yaalla qalab qaada badeecadaha xamuulka ah si diyaaradda looga ilaaliyo in la saaro badeecado aanan la ogeyn waxa ay yihiin.

4. Waxay leedahay qalab amniga sugayo iyo mid ogaado dabka

Iyadoo diyaaradda qaab militeri ahaan loo sameeyay, waxaa lagu sameeyay qalab teknooloojiyad ah oo amniga xaqiijinayo.

Diyaaradda waxaa lagu qalabeeyay aalado casri ah oo la socon karo dhaqdhaqaaqa cadowga iyo raadarada.

Diyaaradda waxay iska difaaci kartaa madaafiicda ay soo tuuraan cadowga.

5. Waxay leedahay qalab qarsoon oo carqaladeyn kara isgaarsiinta

Isgaarsiinta ayaa ah waxaa sida fudud lagu beegsan karaa xilliyada weerarka.

Si loo ilaaliyo amniga isla markaana loo xaqiijiyo in aanan la carqaladeyn isgaarsiinta, diyaaradda Airforce One waxay awood u leedahay inay xaqiijiso in dhammaan isgaarsiinta aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Digniinada ka imaanayo qalabka casriga ah ee qarsoon wuxuu horseedaya in si fudud loo ogaado halka ay ka timid xogta lasoo gudbiyay ee ku saleysan isgaarsiinta.

6. Qolka isgaarsiinta iyo xiriirka

Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qeyb dhan oo qaabilsan isgaarsiinta taas oo madaxweynaha u fududeyneyso in si wanaagsan uu xiriir u sameeyo inta uu hawada ku jiro.

Madaxweynaha wuxuu marka uu saaran yahay diyaaradda ka qeybgeli karaa shirar dhanka muuqaalka ah, wicitaanka muuqaalka ama in dadweynaha uu diyaaradda kala soo hadlo.

Haddii madaxweynaha uu saacado badan ku qaata safarka wuxuu shaqadiisa qaranka ka qabsan karaa halkaas.

7. Qolka daweynta

Diyaaradda waxay leedahay xarumo qaabilsan bixinta adeegyada caafimaadka, waxaana ku sugan dhakhaatiir si loola tacaalo xanuunada.

Waxaa diyaaradda saaran dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha iyo wasiirada.

Marka ay timaaddo qorshaha caafimaadka diyaaradda waa mid si weyn ugu qalabeysan oo qaabili karta dhibaatada caafimaadka.

8. Waxay leedahay qalab casri ah aysan indhahaagu qaban karin

Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qalab casri ah oo aysan qaban karin isha banii’aadanka.

Sidoo kale waxaa adag in militeriga ay ogaadaan qalabka casriga ah maadama lagu magacaabo Airforce One- waana mid kamid ah diyaaradaha sida weyn looga cabsado adduunka.

9. Aqalka Cad oo hawada sare la geeyay

Dad badan oo ku nool Mareykanka waxay aad u xiiseeyaan marka ay diyaaradda hawada gasho xilligga ay sido madaxweynaha isla markaana ay tageyso dalal kala duwan.

Dad badan waxay ku tilmaamaan ‘in Aqalka Cad ‘ loo raray hawada sare maadama xafiiska Madaxweynaha, xafiisyada shirarka iyo golaha wasiirada ay halkaas ku yaallaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post