912 Views

Axmed Madoobe oo digniin u jeediyey Xubno kamid ah Maamulkiisa

Axmed Madoobe oo digniin u jeediyey Xubno kamid ah Maamulkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka guddiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo.

 

 

 

Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.

 

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment