4308 Views

Dowladdaha Sacuudiga iyo Jabuuti oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya

Dowladdaha Sacuudiga iyo Jabuuti oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 October 2015 – Boqorka waddanka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi casiis ayaa magaalada Riyaad ee waddanka Sacuudiga kula kulmay madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaacil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda waddanka Soomaaliya,  siddaas waxaa baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo xaaladaha ka taagan waddamada caalamka,  sidda Falastiin iyo Siiriaya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay saaxib dhow la tahay waddamada Jabuutii yoSoomaaliya, waxaana uu uga mahadceliyay dadaalka ay kubixinayaan siddii ay u xasalli lahayeen waddamada ay hadda dagaallada ay ka socdaan.

Boqorka waddanka Sacuudiga ayaa ku ammaanay dowladda Jabuuti doorka ay uga jirto nabadeeynta gobalka bariga Afrika.

Kulanka sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa duqa magaalada riyaadFeysal bin Bandar iyo wasiiro ka tirsan dowladda Sacuudiga.

Dhinaca dowladda Jabuuti waxaa kulanka uga qeybgalay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cali Yuusuf ,afhayeenka dowladda iyo danjiraha dowladda Jabuuti ee waddanka boqortooyada Sacuudiga.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment