777 Views

Abwaan Cabdi kariin Shire oo ka mid ahaa Hobolada Waabari oo xalay u geeriyooday Xanuunka covid 19 Muqdisho

Abwaan Cabdi kariin Shire  oo ka mid ahaa  Hobolada Waabari oo xalay u geeriyooday Xanuunka covid 19 Muqdisho
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Allaha u naxariistee  Abwaan Cabdi kariin Shire Sandheere  ayaa xalay ugu geeriyooday magaalada Muqdisho xanuunka covid 19

Wararka ayaa sheegaya in Abwaan Cabdi kariin Shire Sandheere oo ka mid ahaa golaha abwaaniinta soomaaliyeed sidoo kale kalena kamid ahaa hobolada qaranka ee waaberi uu la xanuunsanaa xanuunka Macaanka, kadibna uu dhul dhigay covid 19.

Abwaanka ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafey uu la xanuunsanayey xanuunka macaanka,waxaana sidoo kale laga helay xanuunka covid 19 oo dad farabadan oo haldoor bulshada ka mid ah ay u geeriyoodeen

Sidoo kale Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye oo ah gudoomiyaha golaha abwaanada  Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida ku timid abwaan Cabdikariin Shire Sandheere.

Allaha unaxarisitee abwaan Cabdikariin Shire Sandheere ayaa sameeyay heesta la magac baxdey qalalaaso dagaal iyo heeso kale oo caan baxey

Waa Fanaankii saxadaax oo mudo 3 usbuuc ah ugu geeriyooda magaalada Muqdisho Xanuunka Covid 19,.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post