1272 Views

Wasiir Isloow oo Shaqa joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga

Wasiir Isloow oo Shaqa joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale  ayaa Shaqa joojin waxaa uu ku sameeyay Agaasimaah guud ee Wasaaradaas, isaga oo Magacaabay Agaasime KMG ah.

 

Warqad kasoo baxday Wasiirka AmnigaSoomaaliya kuna taariikheysan 17/8/2019  ayaa lagu sheegay in Shaqadii laga joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin.

 

 

 

Warqada ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda Amniga hortaalla iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Shaqa joojinta ee kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment