861 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Yemen

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Dilka muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Jeldah ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulada Al-Malbuuja Gobolka Shabwah ee Dalka Yemen,waxaana la sheegay in uu ka dambeeyey Nin u dhashay dalkaas.

 

Dilka ayaa yimid,kadib markii labada Nin uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira dad tahriibayeyaal ah,kuwaas oo ku wajahnaa dalka Sacuudi Carabiya.

 

 

 

Warar kale oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaan uu daba socdo dagaal iyo muran hore oo dhexmaray dad isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin,kuwaas oo ah kuwa dadka tahriibiya.

 

Soomaalida ku nool dalka Yemen ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen dilalkaan kasoo cusboonaaday Gobolka Shabwah ee Dalka Yemen oo inta badan ah Goob si tahriib ah ay u tagaan dad u badan Soomaali si ay ugu sii gudbaan dalka Sacuudiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment