423 Views

Gabdhaha guurka loo soo bandhigto diida oo ganaax lacageed laga qaadayo Waqooyiga-galbeed ee dalka Chad

Gabdhaha guurka loo soo bandhigto diida oo ganaax lacageed laga qaadayo Waqooyiga-galbeed ee dalka Chad
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Dumarka diida dalabka guurka ee ku nool deegaanka Mangalmé ee waqooyiga-galbeed ee dalka Chad ayaa ku khasbanaan doona in ay bixiyaan lacag ganaax ah oo dhan 23 ilaa 39 doolar.

Arrintan ayaa lagu sheegay go’aan kasoo baxay Golaha Muslimiinta ee Mangalmé.

Hase yeeshee ururka u dooda xuquuqda haweenka ee dalka Chad ayaa kasoo horjeestay tallaabadaas.

Waxa ay sheegeen in uu yahay xeer ka hor imaanaya sharciga dalka ee dhigaya in qof walba uu xor u yahay guurkiisa.

Go’aanka kasoo baxay Golaha Muslimiinta ee Mangalmé ayaa dhanka kale sheegaya in nin walba oo diida guur loo soo bandhigtay uu bixin doono 15 doolar.

Guurka qasabka ah ayaa si joogto ah uga dhaca dalka Chad.

Inkastoo sanadkii 2015-kii lasoo saaray sharci mamnuucaya guurka carruurta, haddana 60% ka mid ah dumarka ay da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano waxaa la guursaday iyagoo wali carruur ah, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka tirakoobyada ee waddanka Chad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post