663 Views

Ciidamada Gorgor oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Gorgor oo degaano kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Al-Shabaab ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgallada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al Shabaab isaga tageen Tuulooyinka Ciidanku Howlgalada ka sameeyeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa A-Shabaab ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post