939 Views

Wararkii ugu dambeeyay qabanqaabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland

Wararkii ugu dambeeyay qabanqaabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, -2019 —Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ciidanka Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Mas’uuliyiin ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu waddo in uu dhaco 9-ka bishan October oo ku beegan Arbacada soo socota.

Waxaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo marti sharaf kale.

23-kii bishii hore ayay u baaqatay Xafladda sababo la xiriira dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraado ku soo rogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment