903 Views

Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo Beledweyne ka furmay

Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo Beledweyne ka furmay
____________________________________________________________________________

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta ka furmay wajiga koobaad ee shirka dib u Heshiisiinta Beelihii dhawaan ku dagaalamay degaannada Waqooyi galbeed ee Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Maamulka  Gobolka Hiiraan, xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka labada Beelood  iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.Wajiga koobaad ee Shirka Maanta ayaa waxaa looga dhageysanayaa labada dhinac wixii sababay Colaada labada Beelood.

Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo maaliyada Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadey oo shirka furay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan ay ka go’an tahay in uu heshiis nabaded kala dhex-dhigo labada Beelood ee dagaalamay.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka labada dhinac inay dardar geliyaan howlaha nabadedta ah, si bulshada ku nool degaannada Waqooyi Galbeed ee Magaalada Beledwyene ay si nabad ah ugu wada noolaadaan.

Dagaalkii ka dhacay degaannada Waqooyi galbeed ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadka dagaalamay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post