444 Views

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka, oo sheegay in wada hadalada Ruushka iyo Ukraine uusan aheyn mid fudud.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka, oo sheegay in wada hadalada Ruushka iyo Ukraine uusan  aheyn mid fudud.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in wada hadalada nabadeed ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine in aaney aheyn kuwo sahlan.

Dhanka kale, ayuu waxa uu carabka ku dhuftey iney jirto rajo keeneysa in la isku tanaasulo.

Wuxuu intaa ku darey iney hagayaan, oo uu talooyin ka qaadanayaan xubnaha uga qeyb galaya wada hadalada haatan socda.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa kasoo xigatey Lavrov in wada hadaladu aaney sahlaneyn, sababo jira awgood.

Laakiin haddana, wuxuu muujiyey wasiirka iney jirto rajo ah in heshiis la gaaro. Lavrov, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi ay la yeelatey warbaahinta RBC.

Wasiirka arrimaha dibadda, ayaa xusey in dhibaatooyinku aysan kaliya ku saleysneyn dhexdhexaadnimada Ukraine, iyo ka saarista ciidanka.

Balse sidoo kale waxey salka ku heysaa ammaanka dadka kunool bariga Ukraine, halkaasoo ah goobaha ay kusugan yihiin fallaagada gacanta ku heysa Donetsk iyo Luhansk.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post