720 Views

Magaalada Beledweyne Saddex caruur oo isku qoys ah oo ku dhintay hoobiye ku dhacay gurigooda

Magaalada Beledweyne  Saddex caruur oo isku qoys ah oo ku dhintay hoobiye ku dhacay gurigooda
____________________________________________________________________________


khamiis: December 2, 2021

Saddex caruur oo isku qoys ah ayaa ku dhintay laba kale oo isla qoyska ahna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu gurigooda ku soo dhacay hoobiye xilli kooxda Al-Shabaab xalay ay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne.

Dagaal muddo kooban socday ayaa ku dhexmaray galbeedka Beledweyne ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo malayshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka xalay waxaa ka horeyay howlgal ay shalay ciidamada isgarabsanaya ka sameeyeen deegaano ku yaaala galbeedka Beledweyne gaar ahaan deegaanka Luuq-jeelow oo kooxda Al-Shabab ay ku leeyahiin bar kontarool oo ay lacago kaga qaaddo gaadiidka soo gala Beledweyne.

Dhanka kale, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay fulisay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay ku beegsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo ay NISA xalay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay ayay ku sheegtay in ay dileen ilaa 12 ka tirsan xubnaha ururka Al-Shabaab kuwaasi oo ay NISA sheegtay in ay khal-khal ku hayeen amniga magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post