1239 Views

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la yeeshay Guddiyada doorashooyinka

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la yeeshay Guddiyada doorashooyinka
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 1, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET), Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ka socoto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in ujeedka safarka ay Baydhabo ku tageen uu ahaa la socodka doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ka socda Koonfur Galbeed.

Maxamed Xasan Cirro, ayaa sidokale sheegay inay bilaabi doonaan baaritaan la xiriira cabashooyinka ka yimid qaar kamid ah Kuraastii halkaas lagu dortay.

Ugu danbeeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa Guddiyada doorashooyinka kula dardaarmay in ay si Caddaalad ah u qabtaan Doorashooyinka halkaas ka socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post