1455 Views

Xildhibaan Maqaney oo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Xildhibaan Maqaney oo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle inuu jebiyay sharciga u yaal dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaan Abuukar Xasan Cali “Maqaney” ahna Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Hirshabelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa ku dhaliilay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle inuu jebiyay sharciyada baarlamaanka isla markaana ay isaga qaldan yihiin caasimadaha Hirshabelle iyo caasimada dalka.

“Mudadii kalfadhiga baarlamaanka iyadoo aan dhamaan guddoomiye ku xigeenka Baarlamaankana ku sugan yahay Jowhar ayuu sheegay in la xirey kalfadhiga Baarlamaanka.”ayuu yiri Xildhibaan Abuukar Maqaney.

Sidoo kale XIldhibaan Abuukar Xasan Cali waxa uu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka dhigtey baarlamaanka aalad uu ku adeegto isagoo sawiro soo dhigo baraha bulshada kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa isaga darsamay caasimada dalka iyo caasimada Hirshabelle,baarlamaanka Hirshabelle iyo Baarlamaanka Federalka.”ayuu yiri Xildhibaan Abuukar Xasan Cali.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maqaney ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah,ayna iska daayaan safarada ay ugaga maqan yihiin caasimada Hirshabelle ee Jowhar.

Halkan hoose ka daawo Xildhibaan Maqaney oo ka hadlay khilaafka Baarlamaanka Hirshabelle

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment