1590 Views

Ammaanka xarunta baarlamaanka ee Capitol Hill oo aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya

Ammaanka xarunta baarlamaanka ee Capitol  Hill oo  aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya
____________________________________________________________________________

4- Marso, 2021

Ammaanka xarunta baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan US Capitol ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya in Khamiista maanta ah “xoog lagu soo geli karo” si ay sheegeen booliska.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka.

Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baajiyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta.

Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabsanaya Aqalka Senate-ka si uu uga doodo hindise sharciyeed uu Madaxweyne Biden lacag dhan 1.9 trillion dollar wax uga qabanayo cudurka Covid-19.

Muxuu booliska ka yiri khatarta?

Booliska ilaaliya xarunta US Capitol ayaa sheegay inay qeybaha kale ee laamaha ammaanka kala shaqeynayaan si looga hortago khatar kasta oo ku timaada xaruntaas.

“Si dhab ah ayaan u qaadanayay xogta ku aaddan khatartaas,” ayaa lagu sheegay warka booliska.

“Faahfaahin dheeraad ah kama bixin karno xogta aan helnay, maadaama ay tahay mid aad xasaasi u ah,” ayuu sheegay booliska.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba bilood kadib markii dad taageersan madaxweynihii hore, Donald Trump, ay xoog ku galeen gudaha dhismaha.

Xilligaas, xubnaha la doortay ee labada gole ayaa ku guda jirin ansixinta natiijada doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Joe Biden.

Rabshadahaas oo gilgilay dimuqraadiyada Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay askari boolis ah.

Waaxda garsoorka ee Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogtay in ka badan 300 oo qof oo ka qeyb qaatay falkaas.

Dadka dhacdadaas loo xiray waxaa kamid ah ururada hubaysan ee xagjirka ah sida Oath Keepers iyo Three Percenters.

Xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga ayaa falkaas ku tilmaamay weerar fallaaganimo, waxaana uu dacwad ku soo oogaay Trump oo uu ku eedeeyay inuu kiciyay dadkaas.

Trump ayaa sidaa ku noqday madaxweynihii u horreeyay Maraykanka ee laba jeer lagu soo oogo dacwad xil ka qaadis ah, inkastoo labada goor-ba uu ku badbaaday aqalka senate-ka.

Muhiimadda ay leedahay Khamiista

Taageerayaasha urur xagjir ah oo lagu magacaabo QAnon ayaa rumaysan in Khamiista maanta ah ay dhabaha u xaari doonto in Trump uu mar labaad ku soo laabto Aqalka Cad.

Taariikhda maanta ayaa muhiimad gaar ah u leh, maadaama wixii ka horreeyay sanadkii 1933 ay hogaamiyayaasha Maraykanka xilka la wareegi jireen 4-ta March.

QAnon ayaa rumaysan in Trump uu dagaal qarsoon kula jiro dad sheydaanka caabuda oo carruurta faraxumeeya kana tirsan dowladda, ganacsatada iyo warbaahinta.

Laamaha ammaanka ayaa ka war helay dood ku aaddan 4-ta March oo uu ururka QAnon ku yeeshay internet-ka, sida uu todobaadkii hore sarkaal ka tirsan FBI u sheegay wargeyska The Washington Post.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post