987 Views

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baraawe

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baraawe
____________________________________________________________________________

Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada 7 kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee degaan doorashadoodu tahay Magaaladaasi Baraawe.

Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

Kursiga Hop#045 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay oo tartanka laga reebay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Maxamed Cabdalla Axmed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod, waxaana halaabay laba cod.

Kursiga Hop#145 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey oo kursiga laga reebay.

Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162 ee xubinnimada Golaha Shacabka, wuxuuna helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod, Afar Cod ayaana halaabay.

Kursiga Hop#162 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Cali Sheekh Cabdullaahi balse laga reebay u tartamid kursigaas.

Calwiya Siid Cabdullaahi ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ee xubinnimada Golaha Shacabka, iyada oo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay ee  Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10-cod laba Cod ayaana halaabay.

Kursiga Hop#148  ayaa waxaa horay ugu fadhiday Aamina Xasan Cali oo sanadkaan  laga reebay u tartamida helida kursigaan.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka,  iyada oo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod, waxaana kursiga Hop#256 horay ugu fadhiyay Nadiifo Aadan Isaaq.

Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isaga oo heley codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Maxamed Cabdullaahi uu heley 11-cod.

Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isaga oo heley codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamayey ee  Cabdullaahi Cismaan Ibraahim uu heley 10-cod, waxaana halaabay Afar Cod.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooranayaa 6 kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post