888 Views

Deni oo soo saaray Amar ku socda dadka wax kasoo dejiya Dekadda Boosaaso

Deni oo soo saaray Amar ku socda dadka wax kasoo dejiya Dekadda Boosaaso
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 17 2020–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo qaar kamid ah Agabka kasoo dega dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa waxaa lagau mamnuucay in degkadda Boosaaso laga soo dejiyo Caagadaha mustacmalka ah ee horay loo isticmaalay,kuwaas oo laga soo dejiyo j dekadda.

Amarkaan ayaa waxaa la faray Wasaaradaha,maaliyadda,Ganacsiga, Amniga, dekadaha iyo Taliska Ciidanka booliska Puntland oo la faray inay ku dhaqaaqaan dhaqan-gelinta Amarka Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Wareegtada ku sheegay in Xukuumadda ay la wareegeyso caagadaha haatan dhex-yaalla Gudaha dekadda,isla markaana ay magdhow ka bixineyso,sidoo kalena tallaabo laga qaadi doono qofkii soo dejiyo agabka la mamnuucay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment