441 Views

Guud ahaan dalka Ukraine, waxay militeriga Ruushka kasii wadaan duqeymaha magaalooyinka

Guud ahaan dalka Ukraine, waxay militeriga Ruushka kasii wadaan duqeymaha magaalooyinka
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Guud ahaan dalka Ukraine, waxay militeriga Ruushka kasii wadaan duqeymaha magaalooyinka xilli ay isku dayayaan inay qabsadaan halkaas, waxaa weerar culus lagu qaaday magaalada Irpin oo dhacda waqooy galbeed caasimadda Kiev halkaas oo ay ciidamada Ruushka isku dayayaan inay jebiyaan dhufeysada ciidamada Ukraine.

Dadka magaalada ayaa isaga qulqulayaa halkaas iyaga oo lugeynaya,, waxaa guuldareystay dadallaada shacabka looga saarayo magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay hakiyeen duqeynta wax ka yar nus saac. Dhanka bari, Moscow waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay toddobo kiiloomitir soo dhaafeen Donbass.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu kaalmo dheeraad ah siinayo dalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in kaalmo dheeraad uu siin doono Ukraine taas oo isugu jirto mid dhaqaale, mid amni iyo in uu gargaar siin doono dalkaas kadib markii uu teleefoon kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky.

Dhanka kale, Britain ayaa soo jeedisay qorshe ka kooban lix qodob oo looga jawaabayo dagaalka Ukraine, waxaana ay ku boorineysaa dalalka kale inay ku soo biiraan qorshahan.

Qorshaha waxaa ka mid ah abaabulka isbahaysi bini’aadantinimo, taageeridda in Ukraine ay is difaacdo, iyo kordhinta cadaadiska dhaqaale ee Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post