336 Views

Kuuriyada Koonfureed oo raali-gelin ka bixisey gantaal tijaabo ah oo dhulka ku soo dhacay

Kuuriyada Koonfureed oo raali-gelin ka bixisey gantaal tijaabo ah oo dhulka ku soo dhacay
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 5, 2022

Labada dal ee cadaawaddu ka dhexayso ayaa mid walba waxa uu riday labo gantaal oo ah nooca ATACMS ee riddada gaaban ee ballistic-ga ah,sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tijaabadan ay uga aargoosanayeen gantaalkii ugu fogaa ee ay tijaabisay Pyongyang. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa horay wacad ugu maray in uu “jawaab adag” ka bixin doono Waqooyiga.

Gantaalka fashilmey

Dhanka kale, Kuuriyada Koonfureed ayaa riday gantaalka Hyunmoo-2 kaas oo ciladoobay wax yar ka dib markii la riday oo uu burburay, taasoo argagax ku abuurtay magaalada Gangneung ee isla dalkaas. Dadka ayaa u maleeyey in Waqooyigu soo weeraray waxaana ay abuurtey ragagax iyo kala carar, inkasta oo gantaalku aanu qarxin ee dhulka ku soo dhacay.

Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay. Pyongyang ayaa ka dhigatey maad iyo wax lagu qoslo gantaalka ka fashilmey Kuuriyada Koonfureed ee sidoo kale khatarta geliyey dalka Japan.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa raaligelin ka bixiyay gantaalka lagu guuleysan waayey tijaabadiisa dhoolatuska maalintii Talaadada.

Dhoolatuska militariga ayaa kor u kacay.

Tijaabada gantaaladan ayaa yimid wax yar ka dib hal bil kadib markii Seoul iyo Washington ay bilaabeen dhoolatuskii ugu weynaa ee militari oo wadajir ah muddo sanado ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post