1197 Views

Kulan shaki dhaliyay oo Rooble la yeeshay Xasan shekh

Kulan shaki dhaliyay oo Rooble la yeeshay Xasan shekh
____________________________________________________________________________

May 14 2021

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

War kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xasiloonida magaalada Muqdisho, amniga guud iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka” ayaa lagu yiri warkaas.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, kuwaas oo qaarkood sheegeen in ay u tartamayaa madaxweynaha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post