315 Views

Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo daah furtay adeegyadeeda ay si buuxda u wada gaarsiin doonto dalka Itoobiya.isgaarsiineed

Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo  daah furtay  adeegyadeeda ay si buuxda u wada gaarsiin doonto dalka Itoobiya.isgaarsiineed
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ayaa maanta oo Khamiis ah daaha ka rogtay in adeegyadeeda ay si buuxda u wada gaarsiin doonto dalka Itoobiya, kaas oo lagu tilmaamo mid ka mid ah waddamada Afrika ee aan lahayn suuqyada xorta ah.

Shirkadda ayaa bishii Agoosto adeegyadeeda tijaabo ahaan ugu billowday magaalada Dire Dawa oo 500km u jirta Addis Ababa. Toddobaadyadii xigay waxay anteennadeeda gaarsiisay magaalooyin dhowr ah oo kale.

Hase yeeshee, xaflad si rasmi ah loogu daah-furayo shaqada shrkadda oo ay ka qeybgalayaan Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha kenya William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto Addis Ababa.

Ruto ayaa Addis Ababa tagay markii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha.

Shirkadda Ethio telecom ee ay leedahay dowladda ayaa ahayd tan keliya ee adeegyada isgaarsiinta siisa dadka Itoobiya oo lagu qiyaaso 110 milyan oo qof. Balse, sanadkii hore ayay dowladdu furfurnaan ganacsi la timid, taas oo u sahashay Safaricom inay hesho shati ay halkaas uga shaqeyn karto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post