708 Views

Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan gobolka Hiiraan

Qarax  lala eegtay Ciidamo ka tirsan gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Isniin: july 26 2021

Warrarka laga helayo gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax waddada dhinaceeda la dhigay uu haleelay gaari ay lahaayeen milatariga Soomaaliya oo marayay tuulada Coomaad oo u dhaxaysa magaalooyinka Matabaan iyo Beergadiid.

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa dhimatay, labo kalena way dhaawacmeen kuwaas oo la socday gaariga uu qaraxu qabsaday, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku dhow dhow booliska.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay ciidanka balse weerarrada noocaan ah waxa aalaaba qaada kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post