561 Views

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaan ka tirsan G/Hiiraan

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaan ka tirsan G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Ciidanka Xoogga gaar ahaan qeybta 27-aad oo howlgallo kala duwan wali kawada degaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa howlo ay ka sameeyeen waxaa ay kula wareegeen Saldhigyo Al-shabaab ku laheyd deegaanka Hees oo hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-shabaab u soora gashay in ay la wareegaan deegaanka, isla markaasna ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post