1014 Views

Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho. oo Qarax lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho. oo  Qarax lagu dilay
____________________________________________________________________________

Faah fahina dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay deegaana Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho ah, Jugtiisana laga maqlay xaafadow ku dhow deegaankaas.

Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa qarxiyay xili uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in  qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa magaca Mas’uulka ay qaraxa ku dileen ku sheegeen Cali Xuseen, iyagoona xusay in qarax Mas’uulka gaarigiisa loogu soo xiray, isla markaana markii uu qarxay uu Marxuum Cali goobta ku dhintay.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, hayeeshee qaraxaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa qaraxyo horey uga dhacay duleedka Muqdisho oo khasaaro geystay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post