666 Views

Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha

Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha, balse maxay yihiin faa’iidooyinka uu ka heli karo?

Beijing wax ceeb ah kuma dareemeyso inay gacan saar la sameysato kooxda islaamiga ah ee la wareegtay awoodda dalka Afghanistan, sida uu maqaalkan ku sheegay tifaftiraha BBC-da ee arrimaha dibadda, John Simpson.

Xilli ay dad badan oo u dhashay Afghanistan isku dayayaan inay ka cararaan dalkooda, dhaqaalaha waddanka ayaa qarka u saaran in uu gebi ahaanba burburo.

Arrintaas waxay horay u dhacday markii ay Taliban xukunka haysteen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii.

Sidaas awgeed Shiinaha ayaa tallaabo u qaadi kara inuu badbaadiyo mustaqbalka dhaqaale ee Afghanistan, garabkiisana waxaa u baahan Taliban oo aan meel kale ku ogeyn taageero soo dhow.

Shiinaha waxa uu markaas saameyn aad u ballaaran ku yeelanayaa maamulka iyo siyaasadda Taliban, saddex arrimood ayuuna eegi karaa si uu uga badbaadiyo burburka dhaqaale.

1- Faa”iido dhaqaale

Tobannaankii sano ee lasoo dhaafay Shiinaha waxa uu kordhinayay xulafadiisa dhinaca dhaqaalaha si uu ugu guuleysto tartanka uu kula jiro dalalka reer galbeedka ee uu ugu horreeyo Mareykanka.Meelaha uu guusha ka gaaray waxaa ka mid ah qaaradda Afrika oo uu dalal badan ku sameystay maalgelin dhaqaale, taasoo uu ka faa’iidayo dhankiisana.

Waxaa loo arkaa in Afghanistan uu ku xulan karo sabab la mid ah middaas, si uu uga darsado liiska dalalka saaxiibka kula ah dhinaca ganacsiga.

2- Muslimiinta Uighur

Waddamo uu ka mid yahay Turkiga iyo ururro badan oo islaamiyiin ah waxay Shiinaha marar badan isku qabteen sida uu ula dhaqmo bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalkaas ee lagu magacaabo Uighur.

Waxaa Beijing lagu eedeeyaa in ay gacan bir ah ku wajahdo qowmiyaddaas, ayna u sameysay xerooyin xabsi ahaan looga dhigo dadka laga qabqabto.Haddii Shiinaha uu gacan u fidiyo Afghanistan waxaa suuragal ah in Taliban uusan kala kulmin ceeb, wax su’aal ahna aysan ka keenin arrinta muslimiinta Uighur ee mar walba looga hadlo dalalka muslimiinta.

3- Ku lug lahaanshaha maamulka Afghanistan

Guushii ay Taliban ka gaareen Afghanistan iyo maamulka kusoo noqday gacantooda waxa uu musiibo ku yahay Mareykanka, Britain, Jarmalka, Faransiiska iyo dalal kale oo Afghanistan dhinaca amniga ka caawinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Arrintan waxa ay sidoo kale meesha ka saartay galaangalkii ay Mareykanka iyo reer galbeedka ku lahaayeen maamulka Afghanistan, oo ah waddan ay dhowr jeer kasoo ifbaxeen ururro xagjir ah.

Balse Shiinaha ayaa si toos ah u heli kara fursaddaas haddii uu heshiis la galo Taliban, waxaana u suuragali karta inuu saameyn ku yeesho siyaasaddooda maxalliga ah.

Sidoo kale Shiinaha ayaa ka faa’iideysanaya boos ay banneysay Hindiya oo la og yahay inay cadaawad kala dhaxeyso Beijing.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post