918 Views

SAWIRO:-Khasaaro ka dhashay Dabkii ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Dhuusamareeb

SAWIRO:-Khasaaro ka dhashay Dabkii ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab khasaaro gesytay oo Maanta ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.

Dabka ayaa waxaa uu markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal oo ku taalla Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka.

Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb  & Maamulka Magaalada ayaa dadaal farabadan oo ay sameeyeen kadib waxaa ay ku guuleysteen in dabkaasi la demiyo.

Qaar kamid ah Ganacsastada leh goobaha Ganacsiga ee uu dabka saameeyay ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn hal gaari oo dab demis ah, isla markaana ay tahay arrintaasi nadiib darro.

Waxaa ay sheegeen in dabkii Maanta ka kacay Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb uu sababay khasaaro hantiyadeed, hayeeshee ay dadaal badna ku bixiyeen sidii loo yareyn lahaa kuna guuleysteen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore uu sidaan oo kale dabka uga kacay,kaas oo geystay khasaaro hantiyadeed,waxaana caqabado koowaad ay Bulshada Magaalada ku sheegeen in Magaalada aysan laheyn Gawaarida dab demiska.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post