690 Views

New Zealand oo ku dhawaaqay in uu xayiraad ku soo Rogay dadka socdaalka ah oo uga imaanaya wadanka India

New Zealand oo ku dhawaaqay in uu xayiraad ku soo Rogay dadka socdaalka ah oo uga imaanaya wadanka India
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Waddanka New Zealand ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay inay si kumeel gaar ah u joojiyeen soo galintaanka dhammaan dadka socdaalka ah oo uga imaanaya wadanka India, kuwaas oo ay ku jiraan muwaadiniinteeda.

Saraakiisha Caafimaadka New Zealand ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah kiisaska cusub ee COVID19 ay uga yimaadeen wadanka Koofurta Assia, waxaana xayiraadan ay saarnaan doontaa socotada uga imaaneysa India muddo laba todobaad ah.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii New Zealand ay diiwaan gelisay 23 kiis oo coronavirus oo cusub, kuwaas oo 17 ka mid ka yimaadeen India.

“Waxaan si ku-meelgaar ah u hakineynaa soo galista New Zealand socotada ka imaaneysa India” ayay Ra’isul Wasaare Jacinda Ardern ku tiri shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Auckland.

Waa markii ugu horeysay oo New Zealand ay xayiraad nuucan ah saarto muwaadiniinta iyo dadka heysta deganaashaheeda, waxaana New Zealand oo hore u sheegtay inay xuduudaheeda ka saartay COVID19 ay tani noqoneysaa markii ugu horeysay muddo 40 cishe ah oo ay diiwaan galisay dad uu soo ritay xanuunkan, kuwaas oo badankood ka India.

India ayaa xanuunkan ku dhacay 12.8 milyan oo qof, waana wadanka sadexaad ee oo tiro intaas la’eg uu ku dhacay, marka laga reebo Mareykanka iyo Brazil, waxayna xilliga la dagaallameysaa mowjaddii labaad ee dilaagan

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post