648 Views

booliska Colombiya oo shaaca ka qaaday magaca qofka amray dilkii madaxweynihii Haiti

booliska Colombiya oo  shaaca ka qaaday magaca qofka  amray dilkii madaxweynihii Haiti
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Taliyaha booliska Colombiya ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.

Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo.

Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise.

Hase yeeshee maalmo ka dib ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila.

Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti.

Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay.

Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse.

Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti.

Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia.

28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti.


Labada u dhalatay Haiti ayaa sheegay in ay turjumaanno u ahaayeen kooxda Colombia u dhalatay ee wadatay ruqsadii lagu soo xiri lahaa madaxweynaha

Qaabkee loo dilay

Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynaha qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raggu ay ku lebsinaayen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay.

Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal.

Jovenel Moïse, waa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly.

Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aadan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo.

Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkan.

Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa.

Bishii February markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligg=aas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo.

Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika.

Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul.

Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas.

Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017.

Waa kuma Jovenel Moïse?

 

Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi caan ka ah Haiti, wuxuuna ku dhashay gobolka waqooyiga dhaca ee Trou du Nord sanadkii 1968.

Wuxuu kasoo shaqeeyay ganacsi uu kamid yahay tabcashada mooska.

Sidoo kale wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Haiti ka hirgeliya ganacisga xorta ah ee wax soo saarka beeraha.

Jovenel Moïse wuxuu Haiti u horseeday in uu noqda dal ku horumaray dhinaca beeraha si loo xoojiyo dhaqaalaha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post