549 Views

Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan oo booqday axmed Madoobe

Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan oo booqday axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Waxaa magaalada Muqdisho xalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobeiyo wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay hooyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo ku dhex-yaalla aagga garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay labada masuul ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  xalay  kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu baahiyey xafiiska Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland ayaa gelinkii dambe ee shalay  soo gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado in maalmaha soo socda uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka hareeyey doorashada dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post