198 Views

Wafdi uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Soomaaliya, Gen. Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil ciidanka oo gaaray Beledweyne

____________________________________________________________________________

 

Axad: AUGUST 7, 2022

Wafdi uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Soomaaliya, Gen. Maxamed Tahliil Biixi, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxaa safarkii ku wehliyay taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga, Gen Tawane Axmed Gurey iyo saraakiil kale, iyagoo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka howlgalka ATMIS iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinacyada ayaa kulanka waxay ugu hadleen dardar gelinta howlgallada ka dhan ah Ururka Al-shabaab iyo sidii la iskaga kaashan lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee Siyaasadda iyo Maaliyadda oo horkacayay mas’uuliyiinta maanta soodhaweysay Saraakiisha ciidan ee Beledweyne gaartay, ayaa ka warbixiyay kulanka ay la yeesheen dhinacyada.

“Maanta waxaan soodhaweynay saraakiil ciidan oo uu ugu horreeyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Jeneraal Biixi iyo Saraakiisha kale ee la socotay, gobolka Hiiraan saa maalmaahaan la socoteenba waxaa ka jiray dagaallo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo muddo bil ka badan illaa hadda ku maqan yahay,”  Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Wuxuu carabka ku dhuftay in imaanshiyaha saraakiishaan ay salka ku hayso sidii ay qeyb ugu noqon lahaayen howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ka socda gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post