1137 Views

Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Arrim Muhiim Ah Oo Ka Furmay Muqdisho

Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Arrim Muhiim Ah Oo Ka Furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji uu wehlinaayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga XFS mudane Xassan Cali Maxamed (Amar-danbe) ayaa maanta furay shirka CAAC working group oo looga hadlayay qorshaha istiraatiijiga ah ee caruurta ku nool colaadaha hubeysan ( road map on Children and armed Conflict-CAAC).

Wasiirku wuxuu aad uga hadlay taariikhda Soomaaliya in ay Ilaalinta carruurta goor hore ka diyaariyeen sharciga carruurta sanadkii 1970 kii markii Soomaaliya ay diyaarisay barnaamijkeedii ugu horreeyay ee ilaalinta carruurta.

Muddo aad uga fog waqtigii la soo saaray heshiiska xuquuqda carruurta oo ahayd 1989 kii ayaa waxaa uu wasiirku sii cadeeyay dadaalka ay dowlada federaalka soomaaliyeed ay ugu abuureyso ka hortag suurta gal ah carruurta ay saameeyeen iska horimaadyada hubeysan.

 

Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyinka wax ku ool ah sida dastuurka ku meel gaarka ah oo cadeeyay ilaalinta carruurta iyo Heshiiska Xuquuqda Carruurta oo la ansixiyay kana mid noqonay dowladaha caalamka ee hirgelinaya heshiiskaas, iyo saxiixidda qorshe howleedyada ka hortaga askareynta iyo ku shaqeysiga carruurta, iyo qorshe howleedka kale ee ka hor tagidda dilka iyo dhaawac ama naafeynta carruurta ee 2012 kii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment