234 Views

Walaac laga muujiyey xarigga Xoghaya ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin

Walaac laga muujiyey xarigga Xoghaya ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Xoghaya guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa shaley lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu rabay in uu garoonka ka dhoofo.

Dawladda Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin xariggan oo imanaya laba maalmood kadib markii uu ururku uu dhalliilay amar kasoo baxay dawladda oo sheegayey inaan la baahin wararka buunbuuniya Al-Shabaab.

Hoggaamiyeyayaasha ururrada kale ee saxaafadeed ee ka dhisan dalka ayaa walaac ka muujiyay xariga Cabdalle Axmed Muumin.

Maxamed Cabdiwahaab oo ka tirsan madaxda sare ee dallad ay ku midoobeen ku dhowaad 40 warbaahin oo maxalli ah oo lagu magacaabo Somali Media association oo loo yaqaanno SOMA ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin xarigga saxafigaasi.

Sidoo kale Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa dhankooda Dowladda ka dalbaday in uu si degdeg ah xoriyadiisa dib ugu helo Xoghaya guud ee SJS Cabdalla Muumin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post