942 Views

Guddoomiye Najax oo gaarey degmo lagala wareegay Al-Shabaab

Guddoomiye Najax oo gaarey degmo lagala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibarahim Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay safar ku tageen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose o kamid ah deegaannada ay Ciidamada Dowladda kala wareegeen Al-Shabaab.

 

Ujeedada safarkaas ee Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaalada degmada iyo mashaariic horumarieed oo laga fulinaayo degmadaas,waxaana  qeyb ka ah Gudoomiye ku xigeenada Gobolka iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Shabellaha hoose,.

 

 

 

“Safar Shaqo ayaan ku tagay Degmada Aw-dheeglebee Gobolka Shabellaha hoose,si aan ugu kuur galno nolosha Degmada isla markana aan mashaaric hormarineed ugu fulin laheyn Degmada ayuu yri”Guddoomiye Nahax.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen Degamada waax yaha ay ka koobantahay iyo suuqa Magaalada waxaana kormeerka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil Ciidan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment