780 Views

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho May 6, 2021-Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degmada Ceewaaq, waxaana halkaasi ka dhacayd aagal xoogan.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac balse aysan biixn Karin faah fahino dheeraad ah.

Sidoo kale dadka degmada waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa Warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay askar uu kujiro Sarkaal laba Xiidgle Kenyan ah, wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post