939 Views

Kooxo hubeysan oo goor dhawayd dilay Cabdiraxmaan Kamaal oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh

Kooxo hubeysan oo goor dhawayd  dilay  Cabdiraxmaan Kamaal oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Wararka ka imaanaya caawa Degmada Wadajir ayaa sheegaya in goor dhawayd Kooxo ku hubeysan Bastoolado ay halkaas ku dileen Cabdiraxmaan Kamaal oo ka mid ahaa mudanayaasha ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in la dilay Marxuumka asaga oo fadhiya Maqaayad shaaha laga cabo, waxaana lagu dilay Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay xaafadda Siliga ee degmada Wadajir.

Dilka xildhibaanka oo ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ka fakaday goobta uu dilku ka dhacay.

sdoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post