843 Views

hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi oo Noqday Hogaamiye ay illaaladiisa ah ahaayeen Dumar

hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi oo Noqday Hogaamiye ay illaaladiisa ah ahaayeen Dumar
____________________________________________________________________________

 Khamiis: June 24 2021


Tan iyo dhimashadii hogaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Qadaafi, ee ku dhintay gacanta jabhadda bishii Oktoobar 2011, wax badan ayaa laga qoray oo laga hadlay taariikhdiisa. Hase yeeshee wax badan lagama sheegin arrinta la xiriirta ilaaladiisii haweenka ahaa, ee la socan jiray marka u safrayo.

Wuxuu caan ku ahaa jaceylka haweenka isagoo guursaday laba jeer. Wuxuu lahaa laba xaas, gabadh iyo boqolaal ilaaladiisa oo dumar ah oo qoryo ku hubaysnaa. Waxaa kaloo jiray kalkaaliso caafimaad oo reer Ukraine ah iyo dumar badan oo taageerayaal ah oo agtiisa taagnaa intii uu noolaa.

Xaaskiisii ​​ugu horreysay, waxay ahayd macallin iskuul. Waxay kala tageen lix bilood ka dib guurkooda, waxayna isu dhaleen wiil la yirahdo Muxammad. Xaaskiisa labaad, Safia al-Qadaafi, oo ah kalkaaliso caafimaad, waxay u dhashay toddoba carruur ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dumarkii ku hareereysnaa Qadaafi waxaa ugu hadal hayn badnaa haweenka ilaalada u ah. Ciidankiisa ilaalada oo ah haween iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa ka dhigay Qadaafi hogaamiye caan ka ah adduunka.

Sida warbixinta lagu sheegay, ilaaladiisa gaarka ah, marka laga soo tago dumarnimadooda wuxuu ku xulan jiray inay yihiin bikro. Intaa waxaa sii dheeraa, waa inay ku dhaartaan inay naftooda ku bixiyaan ilaalinta Qadaafi oo ay habeen iyo maalinba la joogaan.

Ilaaladani la tababaray ayaa lahaa xirfado milatari, waxayna ku xeeldheeraayeen adeegsiga hubka, sida ay sheegayaan warar kala duwan oo laga helay dibadda iyo gudaha Liibiya. Majaladda Huffington ayaa sheegtay in haweenku ay tahay in marka hore ay tababaro ballaaran oo la xiriira milatariga iyo hubka ka soo qaataan jaamacad gaar ah ka hor inta aan si rasmi ah loogu qaadan inay ka mid noqdaan ilaalada madaxweynaha.

Qadaafi wuxuu ku fekeray inay muhiim tahay in la tababaro dumarka quruxda badan oo loo rogo dagaalyahanno. Haweenka waxaa loo xiray kabo soo jiidasho leh oo ah kuwa ciribta dhaadheer taasi oo la sheegayo in ka soo horjeeddo shuruucda dal haweenkiisu xirtaan dhar Islaami ah waxayna taasi horseeday inay dad badan dhalilaan.

Ilaalada Qadaafi waxay la jaanqaadeen xukunkiisa. Wuxuu u isticmaalay fekerkiisa ku wahajahan xoreynta haweenka. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe arrin naxdin leh ayay soo bandhigeen qaar ka mid ah haweenkii ciidanka ahaa iyagoo sheegaya in Qadaafi uu kufsan jiray oo uu dhibaateyn jiray.

Booqashadii Qadaafi ee Talyaaniga sanadkii 2009 waxay qabsatay bogagga hore ee warbaahinta kadib markii uu casuumaad ka helay 500 oo gabdhood oo qurux badan oo Talyaani ah kuwaas oo casho sharaf ugu sameeyay qasriga uu ku sugnaa hogaamiyahaas.

Waxaa la sheegay inuu munaasabadaas u adeegsaday inuu gabdhaha ka dhaadhiciyo inay soo galaan diinta Islaamka isla markaana uu siiyay nuqul ka mid ah kitaabkiisa cagaarnaa.

Warbixinno markii dambe soo baxay ayaa sheegayay in ilaaladii hore ay sheegeen in Qadaafi iyo wiilashiisa ay kufsadeen oo ay ku xadgudbeen.

Siham Sergewa oo ku xeel dheer cilmu-nafsiga oo deggan Benghazi ayaa ururisay macluumaad loo adeegsaday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC), oo baartay dambiyada dagaal ee Qadaafi iyo xulafadiisa.

Lama oga tirada saxda ah ee ilaaladii Qadaafi, laakiin ilaa 400 oo haween ah ayaa soo xaadiray xarunta Sihaam, waxayna la safri doontaa ilaa 30 haween ah oo kamid ahaa ilaaladiisii.

Sergewa ayaa sidoo kale baaritaan ku samaysay eedeymaha sheegaya in xooggaga Qadaafi ay kufsadeen haweenka intii lagu guda jiray colaadda ka billaabatay dalkaasi taasoo keentay in la rido dowladiisa kadibna la dilo hogaamiyahaas awoodda badnaa. Haweenka qaar ayaa soo baxay iyaga oo sheeganaya in ay halmar kufsadeen 20 askari.

“Kiisaska waxaa ka mid ahaa, gabadh qiyaastii 18 jir ah oo sheegtay in lagu kufsaday aabbeheed hortiisa. Waxay ku celcelinaysay inay aabaheed u sheegtay inuusan eegin iyada,” ayay tiri Sergewa. Dhibbanayaasha qaarkood ayaa isdilay ama ku fekerayay inay is dilaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post