1209 Views

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex oo uu ku soo baxay Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex oo uu ku soo baxay  Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa
____________________________________________________________________________

June 6  2021

Natiijada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo sugayay ayaa goordhaweyd lagu dhawaaqay.

Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa loo kala helay sidan.

Kulmiye: 8
Waddani: 7
Ucud: 5

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jira Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa doorashada Somaliland, wuxuuna helay codad ka badan 20 kun.

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

Waxaa xusid mudan in haweenku kuraas ka helin Golaha Wakiillada cusub, waana mid wiiqeysa dimuqraaddiyada Somaliland.

Magacyada xubnaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex

Kulmiye

1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.

Waddani

1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
7. Ibraahin Maxamed Jaamac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post