897 Views

Waa kee dalka Maraykanka la saaxiibka ah ee laga baqayo in Ruushku weeraro?

Waa kee dalka Maraykanka la saaxiibka ah ee laga baqayo in Ruushku weeraro?
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Iyadoo dunidu ay u muuqato guud ahaan ba mid marag ka ah socdaalka muhaajiriinta ee ku sugan xadka Belarus iyo Poland, ayaa haddana xaalad kale oo laga yaabo inay lagu kala qaybsamo ayaa ka soo cusboonaanaysa bariga Yurub.

Maalmo gudahood, Ruushka ayaa bilaabay inuu kordhiyo tirada ciidammada iyo hubka ee uu geynayo xadka Ukraine.

Kiev iyo Moscow ayaa dagaal ku dhex marayey in ka badan 7 sano halkaas, kaddib markii Putin uu ku duulay oo uu qabsaday Crimea.

Colaaddan ka taagan xudduudda ee hordhaca u yihiin ciidamada Ruushka ayaa u muuqata mid sii kordhaysa

Dhanka kale waxaa jira digniino ku aaddan sida xaal yahay, oo loogu diagyo Ruushka oo ka soo baxday dhinacyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah oo reer galbeed ah ayaa walaac ka muujiyay xaaladda taagan.

Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa ku qiyaastay in in ka badan 114,000 oo askari oo Ruush ah la geeyay aagagga waqooyi-bari, iyo koonfurta ee xuduudka Ukraine, kuwaas oo ay ku jiraan 92,000 oo askari oo joogta ah, cirbixiyeenno iyo badmaaxayaal.

Todobaadki hore Washington waxa ay sheegtay in ay hayso warbixino sirdoon oo muujinayay Kremlin in ay “diyaarinayaan duullaan” isniintii madaxa NATO Jens Stoltenberg waxa uu ku baaqay inhoos lo eego”dhaqdhaqaaqa militariga ee Ruushka”.

Waxaan aragnaa xoogag aan caadi ahayn oo ciidamo ah, waxaana ognahay in Ruushku diyaar u yahay inuu isticmaalo awoodda milatari ee noocan oo kale ah ka hor inta uusan geysan falalka gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine, “Stoltenberg ayaa ku yiri shir jaraa’id.

Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu la hadlay dhiggiisa Ruushka si uu ugu sharraxo sida Faransiisku diyaarka ugu yahay “inuu difaaco dhulka Ukraine”, halka Jarmalku uu sidoo kale ka digay “cawaaqib xun” oo ka dhasha haddii ay dhacdo in Moscow ay weerarto waddankasa deriska la ah.

Mar sii horeysay, taliyaha guud ee ciidamada Britain, General Nick Carter, ayaa u sheegay wargeyska Times in Britain ay “diyaar garawdo” dagaal ay la gasho Ruushka.

Kremlin ma aysan dafirin falkan millatari, balse waxa ay soo jeedisay hadallo kicin ah, waxayna ku eedeeyeen NATO inay dhoolatus millateri ka sameysay xeebaha Crimea.

Dagaalkii 2014-kii ee horseeday duulaanka Ruushka ee Crimea, ayaa ilaa hadda lagu dilay in ka badan 14,000 oo qof, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa heshiis ku gaadhay in dagaalka lagu soo afjaro muddo sanad ka badan, kaasoo ay ku hakiyeen markii danbe.

Xagaagii la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, Kremlin-ka ayaa dhoolatus milatari ka sameeyay Crimea ka dibna markii ay qalab milatari oo culus ay geeyeen meel u dhow gobolka Dombás, ee xudduudda bari ee Ukraine, halkaas oo iskahorimaadku ka bilaabmay.

Dhowr toddobaad ka dib waxay soo celiyeen hubkoodii.

Waqtigan aad ayay u adag tahay in la sharraxo hub badan oo culus oo laga soo daabulay meel ku dhaw xadka Ukraine,” Zhanna Bezpiatchuk, oo ah weriyaha BBC ee Kiev.

Sida uu sheegay Bezpiatchuk oo ka warbixiyey ciidamada la geeyey aaggaas, waxa uu sheegay in dhinaca kale uu socdo dhoolatus ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin hawlgalkaas.

Warbixin dhawaan ka soo baxday haayadda Carnegie Endowment for International Peace waxay ogaatay in “haddii aad si taxadar leh u baarto” saraakiisha Ruushka ee ku saabsan Ukraine waxay soo jeedinayaan in dhinacooda ay ku andacoonayaan in ay xaq u leeyihiin sharcinimada in ciidankoodu ku sugnaadaan aagga.

“Tilmaamayaasha mustaqbalka dhow iyo kuwa fog waxay soo jeedinayaan in Kiev iyo Washington ay leeyihiin sabab ay xaalkan ugu walaacsanaadaan,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Talaadadii, maamulka tamarta Jarmalku wuxuu hakiyay ansixinta dhuumaha gaaska muranka dhaliyay ee ka imanaya Ruushka ilaa Jarmalka, iyada oo la tixgelinayo in ka hor inta aan la ansixin ay waajib tahay in ay u hoggaansamaan sharciyada maxalliga ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post