1236 Views

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Guddoomiye doortay

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Guddoomiye doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta Doortay Guddoonka Guddiga.

 

Guddoomiyaha Guddiga ayaa Loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji; Guddoomiye kuxigeenka ayaa isna loodoortay Xil. Maxamed Cumar Caymoy halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Xil. Axmed Xaaji Maxamed Taaw.

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Guddoonka Guddiga lagu doortay Cod qarsoodi ah, islamarkaana loogu tala galay in ay shaqooyinka loo igmday dardargaliyaan.

 

Waxaa uu sheegay in Guddiga ay muhiim yihiin dalka, islamarkaana ay heystaan Waqti Kooban si ay u soo diyaariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment